1:VOLUME,VOLITILITY,LIQUIDTY AND SPREAD
maadama aan soo qaadaney suuqyada iyo xiliyada ey furmaan iyo sida ey u kala horeeyan mantana waxaan isla ogaan doona waxa ey yihiin VOLUME,VOLITILITY,LIQUIDTY AND SPREAD oo aad u ah muhiim maadama ey yihiin waxii aan ku ogaan laheyn in manta aan ganacsaneyno iyo in kale
waxaana iskula dul istaagi doona qodob qodob oo aan u jilcin doona sida ugu fudud ee ugu macquulsan
A: VOLUME
waxa aan ku qeexi karna ama aan ku macneyn karna in uu yahey
dadka suuqa sarifka kasamaynaya inta ay la egyihiin.
waxaana u sii kala qeybin doona ila labo qeybood oo waaweyn
=HIGH VOLUME Dadka suuqa kujira waxay Kasamynayan tradeyo aad Ubadan lacago cayiman Waa marka suuqa ugu fiicanyahay
=LOW VOLUME macnaheedu waa in dadka suuqa ka ganacsanaaya ama sarifka ka sameynaaya ey aad u yaryihiin
waana marka ugu xun ee la galo suuqa
B: VOLITILITY
Waaa marka suuqa samaynayo dhaqaaq fiican
waxaana u kala qaadi doona labo qeybood =Low volatility : Dhaqaaqa suuqa wuu yaryahay Suuqa wuxuu kujiraa consolidation
=HIGH VOLATILITY:
waa marka ey dhacan news waaweyn
Waxa dhacaya dhaqaaqo waa wayn(big moves)
Waa marka suuqa aad looga faa’iido ama looga faaideysto
adiigo raacaya meesha move ka ey u wado qolada sell ama buy ah midkoodi awood badan
waana xiliga aan suuqa soo galno anagoo ku dhiseyna ama ku saleyneyna wax loo yaqaano
Time/price oo ah isku jaangoynta waqtiga iyo dhaqaqa lacagta
C:LIQUIDTY
waxey eynu baran doona ila laba mar oo aan qeexitaano kala duwan ku qaadan doono
qebta ugu muhiimsan waxaan ugu tagi doona advanced halka eynu hada ka qaadan doono basic oo kaliya
HADABA WAA MAXEY LIQUIDITY? MEEQA AYA LOO QEYBIYA
= LIQUIDITY WAA meel kasta oo ey lacagi taalo ama high ama low hore ah taas la rabo in la soo qaado waxaana u kala qeybin doona qeybaha soo socdo
=LOW LIQUIDITY: Ka qeyb qaatayaasha suuqa oo yar Lacagta suuqa taalo oo yar Waa waqtiga ugu xun ee la trade gareeyo = HIGH LIQUIDTY: Waa wakhtiga ugu fiican ee la trade gareeyo Qulqulka lacageed oo badan Ka qeyb qaatayasha suuqa oo badan
2:Isbaarooyinka suuqa (pending orders)
qeybtan labadan waxaan ayadana ku fahfaahin doona wax loo yaqaano PENDING ODERS oo macno ahan noqoneysa isbaarooyinka suuqa
BUY STOP
SELL STOP
BUY LIMIT
SELL LIMIT
= BUY STOP:waa qiimo kor usocda oo aad rajaynaysid markuu kusoo gaaro inaad sii raacdid.
=Sell stop: waa qiimo hoos usocda oo aad rajaynaysid inaad sii raacdid markuu kusoo gaaro.NOTE
soo dhawaada saxibayal sidaad ogtihiinba waxaan aan soo wadney taxane aan ku faahfaahineyno suuqa iyo aas aas siyaadkiisa muhiimka ah kaas oo aan idinku tala galey in aad suuqan si dhibyar aad u fahantaan waxaana manta halkaan noogu eg taxanihii aan soo wadney qeybtiisi koobad taas oo aan rabno in aan uga gudubno cinwaanka xiga ama qeybta intarmediate ka ah
oo aan halkaas ka sii amba qaadi doono
waana sii wadi doona taxanaheena si isbuucle ah
ila inta eynu ka soo gaari doono bar dhamadkeena
fadlan u laabo cinwaanadii kan ka horeeyey si aad iskugu xiratid oo aad noola jaan qaadid
ha ilaawin in aad wallkaga kale la sii wadaagtid fursadan dahabiga ah
mahadsanid
0 Comments