= MANTA WAXAAN ISLA QAADA DHIGI DOONA QODOBADAN SOO SOCDA
=WAA MAXAY CANDLESTICKS =QAAB-DHISMEEDKA CANDLESTICKS =NAQSHADAHA CANDLESTICKS =XAGEE LAGA RAADIYAA CANDLESTICKS. =WAA MAXAY TIME FRAME.
1:WAA MAXAY CANDLESTICKS?
Candlesticks:waa tusiye loo isticmaalo in lagu soo bandhigo qiimaha suuqa kaas oo kuu sheegaya meeshii ugu saraysay oo uu qiimaha gaaro iyo meeshii ugu hooseeysay uu gaaro.meeshuu kafurmay iyo meeshuu kaxirmay.
Candlesticks wuxuu ka koobanyahay labo midab oo kuu sheegaya qiimaha meeshuu usocdoo:
GADUUD:wuxuu kuushegaya qiimaha hoos usocda. CAGAAR:wuxuu kuu sheegayaa qiimaha kor usocda. Midabada waxaa kadhigan kartaa kuwaa adiga doonto laakiin labadaas ayaa ugu caansan.Qaab –dhismeedka candlesticks –waa sida uu usamaysmayo candlesticks Wuxuu ka koobanyahay candle ku:BODY IYO WICK WICK:wuxuu kuu sheegayaa meeshii ugu sarraysay iyo meeshii ugu hoosaysay oo uu gaaro qiimahu. BODY: wuxuu kuu sheegaya meesha qiimaha uu ka furmey iyo meesha qiimaha ka xirmay.
QAAB-DHISMEEDKA CANDLESTICKS
hadii aan soo qulaaseyno candle ka iyo qaab sameysaan kiisa oo aan si fudud u furfurno
candle ku waxa uu ka kooban yahey labo midab mid walbana uu u taaganyahey macno gaar ah
midabka casanka ah aya u taagan sell oo an ku soo sharaxney xiisadihii hore ee aan bixiney
halka midabka cagaar ka na uu u taagan yahey buy oo aan ayadana ku soo fahfaahiney cinwanadii kan ka horeeyey
fadlan hadii aadan fahmin buy iyo sell waxey yihiin u laabo cinwaankii koobad iyo labadaad
hadaba anagoon ku sii dheeraneynin ayan ka qaadan doona labo ila hal tusaale
TUSAALAHA KOOBAD
=CANDEL BUY AH
candel kan aan kor ku soo xuney aya loo yaqaana rejection iyo magacyo kale oo badan oo uu ka mid yahey oji iyo kuwa lamid ah
hadaba candelkan aya marka la macneynaayo waxaa loo macneeya in uu qeexitaan ka bixinaayo halka ey awoodu jirto waxeyna ku xirantahey marka uu xirmaayo kalarka uu ku xirmo
=TUSAALAHA LABAAD
CANDEL sell ah
CANDELKAN AAN KOR KU SOO XUSNEY EE MIDABKA CASAANKA AH LEH AYA U TAAGAN SELL OO AH IN UU QIIMUHU HOOS U SOCDO
CANDELKAN AYA loo yaqaana ingalfing ama ingalving hadba midkii dhawaqiisu kuu fududyahey adigu qaado
candel kan ingalfing ka ah ayaa micno ahan noo qeexaya ama noo sheegaya in ey qolada sell ka u wado ey aad uga badanyihiiin qolada buy ga u wado misaney ey yihiin qolada awooda ey dhankooda raaxeyso
NOTE
hadaba halkaas waxeynu uga baxney candelka iyo xogtiisa oo dhameystiran
hadaba qeybtan soo socata aya ah halka ugu dhibka badan ee ey dhalinyartu ku wareeran markey bilaabayan ama ey raban ba in ey si iskood ah ey wax isu baran
waana meesha inta badan ey ku liitaan sharxidooda dhaman intii macalin ee aan soo arkey
=Waa maxay time frame
Timeframe :waa muddo waqti cayiman oo uu soconayo candleska suuqa ,kuwaas oo kuu sheegaya isbadalka sicirka sarifka. Mudooyinka ama wakhtiga cayiman waxaa kamid ah: 1M 1W 4Hr 1Hr 15 MIN
hadaba time frame yadan ayaan ku sharxidoona ayaago fahfaahsan cinwaanada dhiman insha alah
waxaan filaaya in aaad aad uga wada bogateen waxa uu yahey candel iyo qaabka uu u sameysmo iyo inta uu ka kooban yahey
iyo time frame iyo waxa lagu qiixo in aad macno ahaan fahanteen
hadaba waxaan qaadaney shan cinwaan oo aad u waaweyn misana muhiim ah walina waxaan sii wadi doona in aan halkaan aan si maalinle ah ama isbuucle ah aan iskula wadaagno waxkasta oo muhiim u ah hayaankiina misane aan anigu aqoonteeda leeyahey ama gacanteyda ku jira
fadlan waxa aad bilowdeen waa hayan dheer marna haka harina in aad riyooyinkiina run u badashan misane aad sii dadashan
waxaan halkan noogu eg cinwankii aan caawa qaadaneyney
ha ilaawin in aad walalahaga kale uga sii faaideysid
MAHADSANID
0 Comments